Muqdisho (Raxanreeb) — Xafiiska Qaramada Midoobay, ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Africa EAC, iyagoona ku tilmaamay inay tahay guul Soomaaliya usoo hoyatay ayna tahay waddadii Soomaaliya ay dib ugu noqon lahayd maqaamkeedii saxda ahaa ee Beesha Caalamka.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyaynaysaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya ku biiritaanka rasmiga ah ee dalkoodu uu ku biireen Bulshada Bariga Afrika.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
“Waa guul kale oo u soo hoyatay waddadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka iyo xiriirka ay la leedahay dalalka deriska la ah. Hambalyo!” Ayaa lagu yiri.
Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo shalay ay si rasmi ah ugu biirtay, sida lagu shaaciyey kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.”
Dowladda Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.
Khaatka ay Kenya usoo dhoofiso Soomaaliya, ayaa noqonaya canshuur la’aan taasoo Dowladda Soomaaliya ay lacago badan ka sameeyn jirtay ku biiritaankan ka hor.