Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulankii Golaha Shacabka maanta kaga hadlay khudbadiisa uu ka jeediyay kalfadhigii afaraad taasoo uu kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah, Al-Shabaab.

Aadan Madoobe ayaa madaxweyne Xasam Sheekh ku ammaanay doorkiisa dagaalka adag ee ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Aadan Madoobe, ayaa sheegay in golahiisa Baarlamaanka ay qeeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah, Al-Shabaab, islamarkaana ay tageen furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaad ogtihiin inay ku dhaawacmeen xildhibaano iyo senataro ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay xildhibaanka Golaha Shacabka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad, sidoo kale waxaa dhaawacmay Senataro Cabdi Qaybdiid oo runtii dalkan xilal badan kasoo qabtay” ayuu yiri Sheikh Aadan.

Sheikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in ay ka go’antahay la dagaallanka Kooxda Al-Shabaab, sida laga fahmi karo oo ay uga go’antahay xildhibaannada ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

“Taas waxa ay muujineysaa dadaalka iyo ka go’naashaha xildibaanadeena iyo Ummadda Soomaaliyeed inay naftooda u huraan xoriyadda iyo sharafka dalka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa guddomiye Aadan Madoobe.

Soomaaliya, ayaa ka billowday dagaal ka dhan ah, Al-Shabaab, kaas oo si toos ah, u billowday sannadkii 2022-kii.

Al-Shabaab, ayaa laga saaray deegaano badan iyo gobollada qaar sida HirShabeelle, Galmudug, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud.