Qarax ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

Qarax ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay xerada magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Turki Som, afaafka hore ee laga galo.

Qaraxa, ayaa ahaa mid naftii hallige uu fuliyay kaasoo ka dhacay xerada Turki Som ee degmada Wadajir waddada dheee aada Jasiira.

Qaraxan, ayaa fuliyay ruux naftii hallige ah, kaas oo isku qarxiyay ciidamo cusub oo laga qorayay xeradaasi kuwaas oo qeeyb ka ahaa ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed.

Weerarkan ayaa lagu soo warramayaa in uu geeystay khasaare dhaawac ah, halka aan la sheegin wax dhimashao oo goobtaasi ka dhacay, 4 qof ayaa ku dhaawacantay sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi.

Ruxa qaraxa geeystay ayaa rabay in uu dhexda u galo safaf ay ku jireen afaafka hore ee Xerada Tukri Som, ciidamadan cusub ee qoranayay Ciidamada loo yaqaano GorGor, balse ma uusan soo gaarin marka uu is qarxiyay.

Al-Shabaab, ayaa sheegatay masu’uliyadda weerarkan inay la beegsadeen 32 ka tirsan ciidamada cusub ee hadda qoranayay Gorgor.

Al-Shabaab, ayaa weeraro ismaadaamin ah, ka geeysta inta badan gudaha Muwdisho xeryaha ku yaalla kuwaas ay beegsadaan ciidamo cusub iyo kuwii hore.

Dhowaan ayay weerar ku qaadeen kooxda Al-Shabaab, xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad, halkaas oo inkabadan 2 mar ay weerarareen weerarkaasi oo uu fuliyay ruux naftii hallige ahaa, inkastoo weerarkii danbe laga hortagay sida ay sheegeen laamaha amniga.

Muqdisho, dadka ganacsatada ayaa lagu khasbayaa in ay ku xiraan goobahooda ganacsi CCTV, si loogu sugo amniga.

Dhanka kale khubarada amniga ayaa sheegaya in dowladda laga rabo in ay la timaado istiraatiijiyad rasmi ah, oo lagu sugayo amniga caasimadda in aysan ahayn in ganacsatada lagu khasbo kaamirooyin yar yar oo aan qaarkood awoodin.