DF oo sheegtay 60 xubnood Al-Shabaab ah in duqeyn ay ku dileen Hiiraan

DF oo sheegtay 60 xubnood Al-Shabaab ah in duqeyn ay ku dileen Hiiraan

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo sheegtay howlgal duqeeyn ah, oo iska kaashadeen saaxiibada caawiya, in lagu beegsaday xubno ka tiran Al-Shabaab kuwaas oo 60 ka mid ah, lagu dilay weerarkaasi, oo ka dhacay Hiiraan.

Weerarkan ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Hilow Bacaad oo 8km u jirta Koonfur Galbeed, uga jiheeysan dhanka deegaanka Halgan ee Hirshabeelle.

Howlgalkan ayaa lagu burburiyay saldhigyo gaadiid dagaal halkaas oo Al-Shabaab, fariisamo ay ku lahaayeen deegaanka Hilow Bacaad, ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in wixii kusoo kordha ay dib kasoo sheegi doonto iyadoona sheegtay in uu ka badan karo khasaaraha halkaasi.

Ma jiro warar dheeraad ah, oo ka madax banaan kan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana xaqiijin karno in warkan xaqiiq yahay.