QM oo soo farogelisay buuqa ka taagan Baarlamaanka

QM oo soo farogelisay buuqa ka taagan Baarlamaanka

Qaramada Midoobay ayaa billaawdau inay soo faregliso xiisada ka taagan Baarlamaanka gaar ahaan Golaha Shacabka, taas oo la xiriita khilaafka u dhaxeeya Xildhibaannada qaar iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Maodobe).

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshayaasha baarlamaanka ee ku aaddan shuruucda doorashada iyo afarta cutub ee soo socota ee dastuurka, iyo sidoo kale kor u qaadista wadashaqeynta QM iyo Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ay sheegeen in Guddoomiye Aadan Madoobe uu ku milmay xukuumadda iyo Madaxtooyada, isla markaana kaliya danahooda uu fuliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.