Qoor Qoor oo xilka ka xayuubiyay mid ka mid ah Wasiiradiisa

Qoor Qoor oo xilka ka xayuubiyay mid ka mid ah Wasiiradiisa

Dhuusamareeb (Raxanreeb) — Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa wareegto uu soo saaray xilka qaadis ku sameeyay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada maamulkaasi, Cabdirisaaq Maxamed Maxamud.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xilkan si KMG ah usii heyn doono wasiiru-dowlaha wasaaraddaasi, Liibaan Cabdi Maxamed.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamud. Madaxweynaha ayaa faray Wasiiru-Dowlaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Liibaan Cabdi Maxamed in uu sii wado howlaha wasaaradda” ayaa lagu yiri.

Laguma caddeyn qoraalka sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday Cabdirisaaq Maxamed Maxamud oo ahaa wasiirkii wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Galmudug.

Sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka wasiirka la cariyay oo ku aadan xilka qaadista deg-degga ah ee lagu sameeyay.

Dhawaan ayey ahayd markii uu madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid uu xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Cabdi Waayeel taas oo dhalisay khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Khilaafka ayaa yimid, kadib markii uu Qoor-Qoor buriyay xilka qaadista madaxweyne ku-xigeenka, balse mar dambe ayaa heshiis laga gaaray khilaafkaas, waxaana dadaallo sameeyay madaxweynaha Soomaaliya oo markaas ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, xilka qaadistan ayaa kusoo aaday, xilli uu hadda Galmudug ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay guulo ka soo hoyeen ciidamada Soomaaliya.