Ra’isul Wasaaraha waddanka Slovakia oo la toogtay

Ra’isul Wasaaraha waddanka Slovakia oo la toogtay

Bratislava (Raxanreeb) — Ra’iisulwasaaraha dalka Slovakia Robert Fico ayaa si xun ugu dhaawacmay dhowr xabbadood oo loogaga dhuftay qeybo ka mid ah jirkiisa Arbacadi, laakin ku xigeenkiisa ayaa warbaahinta u sheegay in uu rumeysan yahay in Fisco uu ka babaadi doono dhaawacyada soo gaaray.

Robert Fico ayaa salaamayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa marki uu dhacayay weerarka lagu khaarijin rabay. Weerarka lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha ayaa ruxay waddankaasi yar ee ku yaalla bartamaha Yurub, xilli ay todobaadyo ka hareen doorashooyin lagu wado in ay ka dhacaan guud ahaan Yurub.

Ra’iisulwasaare xigeenka Slovakia Tomas Taraba ayaa sheegay in uu u maleynayo in ugu danbeyntii uu Fisco badbaadi doono, isaga oo intaasi ku daray inuusan ku jirin xaalad khatar ah xilligan.

Wasiirka gaashaandhiga Robert Kalina ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay la halgameen muddo saacado ah sidi ay u badbaadin lahaayeen Fisco oo ka mid ah hogaamiyaasha Yurub ee taageerssan Ruushka. Wuxuu kaloo sheegay in Ra’iisulwasaaraha ay rasaasta kaga dhacday caloosha iyo qeybo ka mid ah kala-goysada jirka.

Toogashada lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha ayaa ka dhacday degmada Handlova ee bartamaha Slovakia. Warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka uu fuliyay nin 71 jir ah, kaas oo ay xireen ciidamada ammaanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in falka lagu beegsaday ra’iisulwasaaraha uu yahay mid salka ku haya arrimo siyaasadeed.

Slovakia, oo xubin ka ah Isbaheysiga NATO iyo Midowga Yurub, ayaa leh taariikh aan badneyn oo ku saleysan siyaasadaha rabshadaha wata, Sannadihi lasoo dhaafay dalkan oo ay ku nool yihiin 5 iyo badh milyan oo ruux ayay shacabku kula qeybsanaayeen siyaasadda.

Doorashadi madaxtinimo ee bishi hore ayaa tusaale u aheyd, taas oo ay si adag ugu loolameen muxaafidka iyo mucaaridka, ugu danbeyntiina uu xadiddada kusii aastay Fisco, xukunkana dib ugu soo laabtay isaga oo ra’iisulwasaare ah.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ruushka ayaa muujiyay sida ay uga qarracmeen weerarka lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha Slovakia isla markaana si isku mid ah u wada cambaareeyay.