Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyay ciidamada Danab

Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyay ciidamada Danab

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidamada kumaandooska Danab.

Gaadiidkan, ayaa si gaar ah, loogu talagalay inay ku howlgalaan guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, waxaana Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu kula wareegay magaalada Muqdisho.

Shane L. Dixon, sii haayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay gaadiidkan oo ah kuwa dagaalka looguna talagalay ciidamada kumaandooska Danab.

Ibraahim Sheekh Muxudiin, taliyaha ciidamada Xoogga dalka, ayaa Mareykanka uga mahadceliyay kaalinta lixaadka leh ee uga qeyb qaatay dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab iyo sida ay u garab taaganyihiin Soomaaliya.

Gaadiidka Mareykanka Soomaaliya, siiyay ayaa kala ah, Cabdibile iyo Ambalaas, oo lagu daabulayo dhaawacyada iyo daawooyinka ciidamada.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Danab ayaa ku sugnaa goobtii siihayaha safiirka Mareykanka uu gaadiidkaan ugu wareejiyay Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo sheegay in gaadiidkan ay uga faa’iideysa doonaan dagaalka Khawaarijta.