RASMI : Guddoomiyaha & ku xigeenka Barlamaanka Puntland oo la doortay.

RASMI : Guddoomiyaha & ku xigeenka Barlamaanka Puntland oo la doortay.

Garoowe (Raxanreeb ) Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa loo doortay Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Wareegga kowaad ee doorashada ayuu helay 37 cod, halka gudoomiyihii hore ee golaha Cabdirishiid Yuusuf Jibril uu helay codadka ugu hooseeya oo ah 8 cod.

Ilaa afar xildhibaan ayaa u tartamayey gudoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland, kuwaasoo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed Gabyoow oo helay 10 cod, iyo Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo helay 10 cod, hase yeeshee saddexdii mudane ee la tartamayey ayaa ka tanaasulay inay u gudbaan wareegga labaad.

Gudoomiyaha ku meel gaarka ee golaha wakiillada ee Puntland Xildhibaan Xasan Cabdalla Xasan ayaa ku dhawaaqay in Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax in uu ku guulaystay hogaaminta golaha wakiilada ee Puntland ilaa 2029-ka.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Baarri Shire ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Doorashadan ayaa soo bilaabatay saaka waxaana aad loo adkeeyay amniga waddooyinka soo gala halka ay ka socotay doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenka  Barlamaanka maamulkaas.

Xubnahan ayaa bedelaya  Guddoonkii hore ee Barlamaanka maamul goboleedka Puntland tanina waxay soo afjaraysaa muran badan oo ka jira hanaanka doorashada  Barlamaanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.