Islamabad (Raxanreeb ) Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dhaawac ka soo gaaray lugta markii kolonyadii uu la socday lagu rasaaseeyay bariga dalkaasi.
Xiddigii hore ee Cricket-ka Khan, oo 70 jir ah, ayaa hoggaaminayay dibad-bax ka dhacay caasimadda Islamabad oo uu ku dalbanayay doorasho degdeg ah.
Ra’iisul wasaaraha hadda jira Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyay toogashada, wuxuuna ku amray wasiirka arrimaha gudaha inuu sameeyo baaritaan degdeg ah.
Sida laga soo xigtay booliska, weerarka ayaa ka dhacay degmada Wazirabad ee bariga gobolka Punjab halkaas oo Khan uu ku safrayay kolonyo baabuur ah oo badan iyo baabuur ku sii jeeday caasimadda.
Khan, oo 70 sano jir ah ayaa waxa uu hoggaaminayay isu soo bax lagu dalbanayay in doorashooyinka dalkaas dadajiyo.
Xubno ka tirsan xisbigiisa PTI ayaa sheegay in afar qof oo kale ay waxyeelo soo gaartay balse aysan jirin cid ku dhimatay.
Leave a Reply