Saddex ruux oo aano qabiil loogu dilay Galmudug iyo xiisad ka dhalatay

Saddex ruux oo aano qabiil loogu dilay Galmudug iyo xiisad ka dhalatay

Koox hubaysan ayaa saakay aano qabiil u dishay 3 Nin oo kasoo jeeda dagmada Cabudwaaq ee Waqooyig gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Ragga dilka gaystay ayaa sida wararku sheegayaan kasoo jeeda dagmada cadaado.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday deegaanka dalsan oo u dhow degmada Cabudwaaq , dilkaan ayaa salka kuhaya aano qabiil.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafat ayaa waxaa degaannada Galmudug ku batay colaad beeleedyada iyo dilalka, iyada oo madaxda Galmudug ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.