Sakhiir si arxan darro ah, oo loogu dilay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb) — Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo shalay ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo, taas oo ku saabsan dilka wiil yar oo saddex bil jir ahaa, kaas oo si arxan darro ah loogu dilay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in falkan ay geysatay gabar shaqaale ka aheyd guri ku yaalla magaalada Kismaayo, waxaana lasoo wariyay inay dishay ilmo yar oo looga tegay.

Aabaha iyo hooyada wiilkaasi yar ayaa ah askar, waxaana la sheegay in ilmaha yar ay uga tageen gabadha u shaqeyneysay, kadibna ay u dishay si arxan darro.

Shaacir Xasan oo ah Aabaha wiiilka geeriyooday oo la hadlay Dalsan TV ayaa sharraxay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna tilmaamay in wiilka sanka, afka iyo dhagaha uu dhiig ka keenay, kadib markii si xun loogu gaaracay dhulka, uuna guriga yimid wiilkiisii oo mayd ah.

“Gabar shaqaale ayey aheyd wiilka iyadaa ii heysay saaka markaan xerada kasoo laabtay waxaan u imaaday wiilkeyga oo mayd ah oo guriga dhex yaallla” ayuu yiri Aabe Shaacir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gabadha falkan geysatay ay markii hore baxsatay, wuxuuna tilmaamay in marka uu yimid ay albaabka kor uga xirtay.

“Markaan guriga imaaday gabadha oo ordeysa ayaa iridda igu daba martay albaabka ayay kor igaaga xirtay illeen inaan dilo ayay ka baqeysay way carartay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo intaas ku daray “Wiilka hooyadiis waa gabar askariyad ah oo ciidanka ayay igala tirsan tahay shaqaan laheyn waana kalahnay kadibna dhacdadan ayaa dhacday”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in gabadhii lasoo qabtay, isla-markaana ay hadda ku xiran tahay saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Gabadha dhibka geysatay gacanta ayaa lagu hayaa, saldhigga dhexe ayayna ku xiran tahay” ayuu mar kale yiri Aabe Shaacir Xasan.

Dhacdadan ayaa argagaxay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadaly hayaan baraha bulshada oo ay ku wada xiriiraan dadweynaha Soomaaliyeed.