Saraakiil  ka shiray sidii banaanka GAROOWE loogu saari lahaa ciidanka.

Saraakiil  ka shiray sidii banaanka GAROOWE loogu saari lahaa ciidanka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalooyinka maamulka Puntland waxa wali ka taagan xiisada arrimaha doorashooyinka , waxaana cabsi badan ay ka jirtaa xaaladda sida isku bedeli karto maadama aan la hayn wax xal .

Sida wararka laga helayo Puntland ay sheegayaan waxaa hadda magaalada Garoowe ka bilowday qorshe saraakiisha ciidanka ay ku doonayaan in ay  kaga hortagaan dhibaato kasta oo sababi karta colaad sokeeyo.

Xubno saraakiil ah oo ka kala socda maamulka hadda talada haye iyo xubnaha mucaaradka ayaa shir maanta oo Arbaca ah ku yeesheen magaalada Garoowe oo ay isla soo hadal qaadeen amniga Puntland.

Taliyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Puntland S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi iyo S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa shirkaasi la yeelan doona Taliyaha Ciidanka Mucaaridka S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar.

Ilo wareedyo dhanka Amniga ah ayaa xaqiijinaya in Shirka labada dhinac lagu xallinayo xiisadda ku saabsan arrimaha doorashada ee weli ka taagan magaalada Garoowe.

Shirkan saraakiisha ciidan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa la isla gartay sida wararka ay sheegayaan in ciidanka laga qaado xaafadaha qaar ee magaalada si looga saaro cabsida dadka ay qabaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.