Sawirro: Danjire Tarsan oo soo gabagabeeyay diblumaasiyaddii Kenya

Sawirro: Danjire Tarsan oo soo gabagabeeyay diblumaasiyaddii Kenya

Nairobi (Raxanreeb) — Munaasabad sagootin ah ayaa maanta loogu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Dr. Abraham Korir Sing’Oei, Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya, marti sharaf kale, iyo xubno ka socday bulshada diblumaasiyiinta.

Danjire Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.

Dr. Sing’Oei oo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Nuur ku bogaadiyay adeeggiisa wanaagsan iyo wax qabadkiisa la taaban karo ee ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aad ugu mahad-celinayo Danjire Nuur “sida shaqsi ahaaneed ee ay uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika”.

Dr. Sing’Oei oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in danjire Nuur uu ahaa “saaxiibka qiimaha badan” iyo “saaxiibka dhabta ah ee Kenya”. Waxa kale oo uu ku ammaanay “dadaalka hagar la’aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

Danjire Nuur ayaa sheegay in uu aad ugu mahad-celinayo dowladda Kenya sida diiran ee ay u soo dhaweysay iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab istaagtay mudadii uu xilka hayay. Waxa kale oo uu aad ugu mahad-naqay asxaabtiisa iyo hawl-wadeenadiisa shacabka iyo dedaalka ay muujiyeen.

Danjire Nuur ayaa lagu sifeeyay inuu ahaa safiir hawlkar ah oo wax ku ool ah oo wax badan ka taray xoojinta xiriirka labada dal, islamarkaana joogitaankiisa si weyn loo tabi doono.