Muqdisho (Raxanreeb) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maanta shirguddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa diiradda lagu saaray Amniga Dalka iyo kacdoonka Bulshe ee ka socda Goballada Dalka gaar ahaan Dowlad Gobaleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa ka soo baxay go’aamo, kaas oo salka ku haya Amniga Dalka, go’aammada ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhan todobo qodob ayaa kala ah:-Goluhu waxa uu soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howlgallada dalka ka socda.
Waxa uu go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka waxa loogu yeero argagixisada oo ka koobnaanaayo, Ra’iisu Wasaaraha JFS, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Awqaafta & Arrimha Diinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dhallinyarada, Wasiirka Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo ciddii kale ee uu Ra’iisul wasaaruhu u garto in aan looga maarmin hawshan.In barnaamijka ladagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran.
Qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.Hirgalinta sharci ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgalinta waxa loogu yeero argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaqangaliyo.
Ansixinta isitraatiijiyadda guusha ee dabargoynta waxa loogu yeero argagixisada, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibbada Soomaaliya in wasaaradaha hoos ku taxan ay si degdeg ah u gutaan waajibaadka kaga aaddan dagaalka lagu xoreynaayo dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Korontada iyo Biyaha, Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaardda Warfaafinta, Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, Wasaaradda Dhalinyarada & Isboortiska iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.
Leave a Reply