Marykanka oo sheegay duqeyn inuu ku dilay 27 katirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo 18-kii September ka geysteen Gobolka Hiiraan gaar ahaan degaan ku dhow degmada Buulo-burde oo deegaano hoostaga ay ka dhaceen dagaallo.

Duqeyntan ayaa laga fuliyay deegaan ku dhow degmada Buulo-burde, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ay wadeen howlgal lagu beegsanayo Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa ah in weerarka lagu dilay 27 ka tirsan Al-Shabaab, mana jirto dad rayid ah oo waxyeello kasoo gaartay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan, kaas oo ku tilmaantay weerarkan mid is-difaac ah.

Taliska Afrika ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerarka socda kii ugu ballaarnaa muddo shan sanno ah oo ay fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli kacdoon ka dhan ah Shabaab uu ka socdo gobolka Hiiraan, kaasoo ay iska kaashaayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, Mareykanka ayaa u muuqda inuu haatan kusoo biiray howlgalkaas.

majirto xaqiiq sheegeysa inay ku lug leedahay ATMS dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada Hiiraan walow lagu sheegay warbixintan Africom, inay duqeynta qeyb ka ahaayeen ATMS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.