Maamulka Galmudug oo xal ka gaaray muran ka taagnaa Kastamka Canshuurta

Gaalgacyo (Raxanreeb) Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa dadaal kaddib xalay ku guulaystay xal u helidda Xirnaanshaha Kastamka Gaalkacyo oo afartii maalin ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo beeleed ka gadoodsan tabasho la xariirta xuquuq uga maqan awood qeybsiga Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Gobolka oo garab ka helayay Odoyaasha iyo Waxgaradka Gaobolka ayaa ku guulaystay in la fasaxo Gaadiidkii ku xanibnaa kastamka magaalada, isla markaana muddo lagu heshiiyay in lagu xalliyo Tabashada Beeshaan.

Axmed xuseen Shire Bukhaari ayaa uga mahadceliyay Odoyaashii, Waxgaradkii iyo saraakiishii ka qeyb qaatay in la fasaxo dadkii musaafirka ahaa ee ku xannibnaa kastamka. Wuxuuna dhanka kale beesha ku ammaanay siday u aqbaleen codsiga Maamulka iyo kan waxgaradka Gobolka.

Ciidamo Beeleedka Gacanta ku haayay Maalmihii la soo dhaafay Kastamka Canshuuraha Magaalada Gaalkacyo ayaa ka gadoodsanaa xuquuq ay sheegeen inay uga maqan tahay Maamulka Galmudug, waxaana u xayirnaa Gaadiid agab kala duwan u siday Magaalada Gaalkacyo & degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.