Sawirro: Puntland oo howlgallo ka dhan ah Daacish ka fulisay Boosaaso

Sawirro: Puntland oo howlgallo ka dhan ah Daacish ka fulisay Boosaaso

Boosaaso (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada amniga Puntland, ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo ahaa mid ka dhan ah Daacish.

Howlgalkan ayaa lagu wiiqayay laguna xoojinayay amniga magaalada oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan kooxaha Daacish Al-Shabaab.

Saraakiisha amniga Puntland, ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay illaa saddex nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, kuwaas oo lagu hayo baaris, dheeraad ah.

Saddexdan, rag ayaa lagu eedeeyay in Daacish u qaabilsanyihiin hanjabaadaha dadka ganacsatada ku nool magaalada Boosaaso.

Xaaladda ayaa haatan ah, mid deggan walow xalay aad looga dareemay dhaqdhaqaaqa howlgallada ka dhanka ah, Daacish.

Si kastaba hasa yeeshee, muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada amniga ee Puntland ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah, kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Dhowaan ayay ahayd howlgallo cukus oo dhanka cirka ah, ka fuliyeen millatariga Mareykanka kaas oo lagu dilay saddex ka tirsan dagaalyahannada Daacish.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish.

Africom, ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeyntan, oo ahayd dhanka cirka ayaa ka dhacday deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika. Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, la-talinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS,” ayaa lagu yiri war qoraal ah, oo kasoo baxay taliska Africom.