Sheekada isku xiran ee Weerarka Hotel Jazeera & Cabdalla Muumin

Sheekada isku xiran ee Weerarka Hotel Jazeera & Cabdalla Muumin

Muqdisho (Raxanreeb ) Xog ay heshay RBC ayaa sheegaysa in Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir galabta uu warqad ka soo qaaday Maxkamada gobolka si uu u  gudaha ugu gali karo Hotelka.

Arintan waxa ay ka danbeysay ka dib markii maalmo ka  hor ciidanka Booliska iyo Ilaalida Hotelka ay isugu dhaceen in Hotelka laga soo  qabto Xoghayaha SJS ,  Cabdalla Axmed Muumin .

Taliye Macallin Mahdi oo aad uga xanaaqay is hortaag lagu sameeyay ayaa go’aansaday in uu warqad kasoo qaato maxkamadda gobolka si uu ugu handado cidda uu doonana uga soo xiro gudaha hotelka Jaziira.

Taliyaha ayaa warar aan helnay ay sheegayaan inuu doonayo in si joogto ah ciidamo ugu diro hotelka Jaziira si ay qalqal u galiyaan shaqada hotelka.

Sidoo kale waxaa la warinayaa in Taliyaha booliska uu doonayo , in uu soo xiro qaar kamid ah shaqaalaha iyo ilaalada hotelka kuwaas oo diiday in Xoghayaha SJS Cabdalla Muumin  ciidanka ay ka afduubtaan Hotelka Jazeera ee Muqdisho.

Go’aanka maanta oo Isniin ah ciidanka Booliska ay ku weerareen Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa lagu tilmaamay in lagu doonayo in lagu handado oo lagu qalqalgalyo ganacsiga magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.