‘’ Cidda Jazeera iska leh waxay dagganyihiin Madaxtooyada hoosteeda ‘’

‘’ Cidda Jazeera iska leh waxay dagganyihiin Madaxtooyada hoosteeda ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidan ka tirsan  , booliska Soomaaliya ayaa maanta la sheegay weerar ay ku qaadeen Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah Hotelada ugu caansan ee ku yaala caasimadda.

Weerarkan oo lagu tilmaamay inuu yahay mid aan ku fadhin sal – sharci waxaa dadka ka falceliyay ka mid ah Guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

Waxa uu qoraal uu soo saaray ku sheegay in Hotelkaas uu yahay kii madaxda hadda joogta ay ka soo qaadi  jireen weerarada siyaasadeed xilligana aysan ahayn in lagu fududaado in la weeraro.

‘’Wiilasha cusub ee booska Xamar la keenay si agagasnimo ah ayay dhaqaale u raadinayaan si ay saro dhaadheer u dhistaan sidii kuwii ka horreeyay ‘’ ayuu ku yiri qoraalkisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.