Sheekh Cismaan Xidig oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Madax kala duwan oo ka hadashay

Sheekh Cismaan Xidig oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Madax kala duwan oo ka hadashay

Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Caalimkii weeynaa ee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig).

Maalmihii la soo dhaafay ayuu Sheekha ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho, hayeeshee ugu dambeyn xalay Saqdii Dhexe uu geeriyooday, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah Ehelkiisa.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Sheekh Cismaan Xiddig lagu Aaso Dhul uu markii hore ka dardaarmay oo kuyaalla degmada Kaaraan, waxaana Madaxda iyo Siyaasiyiina ka tacsiyadeeyay geeridiisa ay kala yihiin:

XILDHIBAAN SHARIIF SHEEKH AXMED

Waxaan dhamaan Umadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeynayaa Geerida Caalimkii Weynaa Sheikh Cusmaan Xidig, Waxaan Tiiraanyadda la qeybsanayaa Qoyskiisa iyo Xirtiisa meel walbo oo ey dunida ka jogaan.

Alaah u naxariistee Sheikh Cismaan Xidig waxa uu ahaa Caalim Umadda wax badan taray Juhdi & dadaal badan ku bixiyay cilmi gaarsiinta iyo wax barida Bulshadeen, Wuxuu soo saaray Mashaaikh wax tar u leh ummaddeen soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa Iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo.

                                          XASAN CALI KHEYRE

Waxaan guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaana qoyskiisa, qaraabadiisa, xertiisa, iyo culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee caalimkeennii weynaa, Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo Muqdisho ku geeriyooday.

Sheekh Cismaan Xiddig oo ka mid ahaa tiirarkii udubdhexaadka u ah culimada Soomaaliyeed waxa uu noloshiisa u hibeeyay fidinta cilmiga iyo faafinta diinta islaamka. Sheekhu waxa uu ahaa maktabad cilmi diineed ah oo aqoon durugsan u leh tafsiirka Qu’aanka, cilmiga xadiiska, iyo fahamka fiqiga, waxa uuna allifay kutubo marjic u ah culimada iyo ardayda Soomaaliyeed.

Sheekh Cismaan Xiddig waxa uu ku suntanaa oo culimadeenna iyo bulshadeenna horyaal iyo tusaale nool ugu ahaa asluubta, isdhuldhigga, zuhdiga, xalaalmiirashada, baadigoobka cilmiga, iyo in uu ummaddeenna ku hago jidka toosan iyo dhaqanka suubban.

Waxaan madaxda qaranka iyo culimada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in la maamuuso Sheekha, lana nooleeyo dhaxalkii uu ummadda uga tagay, bulshadana lagu baraarujiyo sooyaalkiisa, cilmigiisa, iyo dhaqankii suubbanaa ee uu hormuudka u ahaa.

Alle naxariistiisa janno ha ugu deeqo Sheekh Cismaan Xiddig, samir iyo iimaanna ha i naga wada siiyo.

MADAXWEYNAHA HIR-SHABEELLE CALI GUUDLAAWE

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi u diray ehelka, asxaabtii iyo ardaydii uu soo saaray Sheekh Cusmaan Xiddig.

Caalimkii weynaa ayaa waqtigiisa u huray fidinta Diinteenna Islaamka muddadaas waxa uu soo saaray dad badan oo ka faa’ideystay cilmigiisa.

Sheekh Cismaan Xiddig ayaa baryihii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxana uu geeriyooday goor dhow.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan farriin tacsi ah u dirayaa qoyska, saaxiibada iyo kutaabtiisa Caalimkii weynaa Sheekh Cismaan Xiddig oo aan ku xasuusaneyno barbaarintiisii Diinta. Rabbi ha Janneeyo.”

Allaha u naxariisto Sheekh Cismaan Xiddig ayaa ka mid ahaa kuwooda ugu waaweyn Culimada Soomaaliyeed.

XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR WARSAME

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, asxaabta iyo dariiqadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Sheekh Cismaan Xidig Sheekh Cumar Sheek Daa’uud Culusow oo ahaa caalim u go’ay faafinta diinta Islaamka iyo daryeelka dariiqadiisa. Sheekh Cismaan wuxuu ahaa tiir wayn, iyo hoggaan dariiqo oo ay ka aflaxeen xer badan oo maanta kaalimo wax ku ool ah bulshada kaga jira.

Wuxuu ku tilmaamnaa suhdi, suubanaan, naxariis, iyo  Alle-ka-cabsi. Danbigiisa Allaha dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, gadaashiina nama fidneeyo, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo qoyskiisa, xertiisa iyo ummada Soomaaliyeed. Aamiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.