Sheekh Shariif oo Afka furtay weerarna ku qaaday dowladda Xasan Sheekh

Sheekh Shariif oo Afka furtay weerarna ku qaaday dowladda Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh ayaa goordhow shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuuna kaga hadlay arrimo aad xasaasi u ah iyo xaaladda dalka

Sheekh shariif ayaa sheegay in Ciidankii dalka la kala daadiyay , in xafiisyada dowlada aysan ka jirin wax shaqo ah dagaal beeleedyada ka socdo qeybo badan oo dalka ka mid ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada la bannaday oo la hor taagan yahay inay qabsoomaan.

wuxuu dowlada federaalka ku eedeeyay in dalka ay gadaal u celisay isla markaana Musuq maasuq baahsan uu dalka ka jiro , arrinka jaadka kenya nooga imaado ayuu si weyn uuga nuux nuuxsaday wuxuuna sheegay dowlada hadda jirto in ay ka shaqeeyso Danno Qaas ah sidoo kalena ka Ganacsato Jaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.