Muqdisho (Raxanreeb) — Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay caasimada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.
Shirkan ayaa looga hadlay arrimo badan oo ugu muhiimsan kan dhameeystirka Dastuurka dalka, kaas oo uu weli la isku mari la’yahay.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa golaha wasiirrada uga warbixisay halka uu marayo dastuurka KMG, ee Soomaaliya, iyadoo goluhu ay ku bogaadiyeen shaqada adag ee hay’adaha Dastuurka ay soo qabteen xilli haatan uu horyaallo Golaha Shacabka Soomaaliya.
Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, ee lagula jiro, kuwaas oo Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga looga dhageeystay warbixinno kuwaas oo faah faahin ka siiyay golaha halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab.
Wasaaradahan, ayaa golaha uga war bixiyay howlgalladii ugu danbeeyay ee kooxda looga saaray deegaano badan kuwaas oo ka dhacay koongurta iyo bartaha dalka.
Dhanka kale golaha ayaa warbixin la xiriirta maamulka Hawada Soomaaliya iyo horumarka la gaaray ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay warbixin faah faahsan oo ku saabsan howlaha duulimaadka dalka.
Hay’adda duulista, ayaa sheegay in hawada dalka ay gacanta ku haayso dhammaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka guud, walow maalmihii ugu danbeeyay qal qal hawada ka dhacay, iyadoo Somaliland, ay celisay dhowr diyaaradood oo kasoo degi lahaa Adan Cadde Airport.
Shirkan, golaha ayaa la qabtaa toddobaadkiiba mar iyadoo uu dhaco maalinta Khamiista, waxaana inta badan diiradda lagu saaraa waxyaabaha markaas taagan iyo wixii lasoo qabtay.