Muqdisho (Raxanreeb )- Qaban qabada shirka madasha wada-tashiga Qaranka ayaa ka soconaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kadib codsi ka yimid Madaxweynaha Jubbaland.
Shirkan oo la filay in uu ka qabsoomo Muqdisho dabayaaqadii bishii hore ayaa la sheegay in uu u baaqday cudur-daar ka yimid Madaxweyne Axmed Madoobe oo hawla yeeshay.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya in dalka ka dhacdo doorashada qof iyo cod, kadib markii uu baarlamaanka ay meel mariyeen cutubyo kamid ah dastuurka
Shirkan waxa markale ka maqnaan doona , Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf kala dhaxeeya dowladda uu ugu maqan yahay shirkan oo looga hadlayo masiirka dalka.
Bishan Agosto ayaa noqon doonta bil go’aamin doonta geeddi socodka doorashooyinka isku sidkan ee Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.
Leave a Reply