Somaliland ‘’ 1xBet lama ogola in la cayaaro waa dembi  cidii lagu helaa ‘’

Hargaysa (Raxanreeb ) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegtay in laga mamnuucay deegaanada ay ka taliso Barnaamijka khamaarka ee maalmahan ay ku waalan yihiin dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ee 1xBet.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in diin ahaan iyo aqlaaq ahaan u wanaagsanayn shacabka Soomaaliyeed  khamaarkaas oo galaftay nolosha dad badan oo ku nool Somaliland.

Guddoomiyaha bangiga dhexe iyo laamaha ammaanka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay go’aanka lagu mamnuucayo khamaarkan.

Keliya ma ah  Hargaysa meelaha dhibaatada uu ku haya khamaarka  1Xbet sidoo kale meelo badan oo dalka ah ayaa laga cayaaraa waxaana mararka qaar ka dhasha halis soo gaarta dadka cayaara

Somalia waxa caan ka noqotay website’ka shirkadda la yiraahdo 1Xbet taaso iibiso ciyaaro khamaar aad u badan sida sadaalinta isbortiska, ciyaarista games si online ah, waxaa la aasaasay 2007 waxa ay ka diiwaan gashan tahay wadanka Qubrus.

1xbet ayaa si aad ah u fududeesay in lacag lagu shubo lagana baxo taaso ka dhigtay website ka ugu wayn Afrika ee iibiya ciyaaraha Khamaarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.