NISA & ganacsatada oo guntaha isugu jira howlgal ka bilowday Bakaaraha.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa  ay ka bilaabeen howlgal lagu sheegay in amniga lagu sugayo.

Ciidanka howlgalka fulinaya ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa Hay’adda Nabad sugida oo mararka qaar su’aalo waydiinaya ganacsatada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii uu soo baxay tuhun la xiriira macaamiil kooxda Al- Shabaab iyo ganacsatada suuqa oo kordhay.

 Tan iyo howlgalka markii Dowladda Federaalka howlgal ay ka bilowday  deegaano ka mid ah dalka waxaa si aad ah u kordhay culayska Dowladda ay ku hayso ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa dhawr mar waxa ay sheegtay in ay la wareegi doonto hantida ganacsadihii lagu helaa tuhun ah inuu la macaamilay kooxda Al- Shabaab.

Waxa ay kale oo Dowladda ay sheegtay in ay digniin u dirayso , ganacsatada Soomaaliyeed oo u taga kooxda Al- Shabaab ka dib markii la sheegay in ay jiraan ganacsato la macaamilaysa wali  kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.