SOMALILAND  : Ma doonayso sii socoshada wada-hadalka DFS & Itoobiya.

SOMALILAND  : Ma doonayso sii socoshada wada-hadalka DFS & Itoobiya.

Hargaysa (Raxanreeb)-  Xukuumadda Somaliland ayaa walaac – ka qabta wada- hadalada  u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee looga hadlayo arrimaha badda.

Heshiiska muranka dhaliyay waxaa wada – galay Somaliland iyo Itoobiya , taas oo ay ka carootay dowladda uu hoggaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Hargaysa waxa ka qabsoomay kulan dhaxmaray xubno ka kala socday Turky & xukuumadda Somaliland waxaana looga hadlay wada- hadalada fashilmay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland  Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiskiisa Hargeysa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri.

Wasiirka ayaa Mr. Levent Çeri waxa uu la wadaagay walaaca uu maamulka Somaliland ka qabo arrimo dhoor ah ay kamid yihiin wadahadallada Turkiga ka furmay, kuwaa uu sheegay in ay  saamayn karaan waxa socda xiriirka Somaliland iyo Turkiga.

Si kasta wada- hadalada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa fashil uu ku yimid ka dib shir laba geesood ah oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turky.

Leave a Reply

Your email address will not be published.