Somaliland oo ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato khatarta isbaheysiga Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Somaliland oo ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato khatarta isbaheysiga Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabato xidhiidhka soo ifbaxaya ee u dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo wareysi siiyay TV-ga Alcarabiya ayaa ka digay in isbaheysiga labada kooxood uu qalqal galiyo amniga gobolka, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto.

“Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggan, taasina waxay caqabad ku tahay nabadda gobolka, dowladda Soomaaliya waa in ay xaaladda gacanta ku dhigto oo ay ka hortagtaa wadashaqeyn dheeri ah oo dhexmarta kooxahan,” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa kale oo uu beesha caalamka ugu baaqay inay soo fara geliyaan arrintan, isaga oo carabka ku adkeeyay in Somaliland kaligeed aanay xamili karin khataraha amni ee gobolka Badda Cas. Wuxuu carabka ku dhuftay baahida loo qabo dadaallo ballaaran oo looga hortagayo isbaheysiga inuu carqaladeeyo waddooyinka ganacsiga ee gobolka.

Bishii Juun, sirdoonka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahannada Xuutiyiinta ay ka wadahadleen sidii hubka loo siin lahaa Al-Shabaab. Saraakiisha Mareykanka ayaa baaraya in Iran, oo ka taageerta Xuutiyiinta xag ciidan iyo dhaqaale, ay ku lug leedahay fududeynta wareejinta hubka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.