Somaliland oo xayndaabkii ka saartay guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Somaliland oo xayndaabkii ka saartay guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Hargeysa (Raxanreeb) — Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa dhowr toddobaad kahor ka horyimid maamulka uu ka tirsan yahay ee Somaliland, isaga oo taageeray go’aanada garaadada Laascaanood, oo ah halka uu kasoo jeedo.

Madaxweyne Ku xigeenka oo waraysi siiyay warbaahinta, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland kadib markii uu taageeray go’aamadii garaadada ku sugan magaalada Laascaanood.

“Waxan aaminsanahay in uu ka talaabay xadkii Somaliland, eedayntu waxay taagantahay in aan isku toosino ama isku dhaliilno xayndaabkeena, ee loogu doortay in uu guddoomiyihii golaha wakiilada noqdo,” ayuu yidhi Saylici.

Madaxwwynu ku xigeenku waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif uu taageeray guddida 33-ka ah oo uu sheegay in anay cidna dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu ciidanka been ka sheegay “Waxa uu sameeyay hadalo ku dar dar ah oo ciidanka Somaliland ah, oo uu yidhi ciidamadu rag bay guryo kala baxeen, iyo dad ayay gaadhiyo kala hadheen oo ay laayeen, waxan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda”.

Warka maanta kasoo yeeray Saylici ayaa imanaya ayada oo weli aan xal loo helin xiisadda Laascaanood, halkaasi oo odayaasha deegaanka ay dalbanayaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan, markaas un kadibna la furi karo wada-hadal.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo dhawaan warbaahin kula hadlay Laascaanood, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay duqayn ka gaysteen magaalada.