Somaliland “Taageerada beesha Caalamka ee DFS waxay khatar ku tahay amnigeena “.

Somaliland “Taageerada beesha Caalamka ee DFS waxay khatar ku tahay amnigeena “.

Hargaysa (Raxanreeb )-Somaliland ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedku siyaan Soomaaliya ay khatar ku tahay daganaanshaheeda.

Warbixin uu baahiyay Millateriga Somaliland ayaa lagu sheegay in deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya ay khatar ku yihiin amaanka Somaliland, warbixintu waxay sheegtay in askar ay tababareen waddamada Maraykanka iyo Imaaraatku ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood.

“Aqoonyahano badan ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay sababi karto dagaal balaadhan hadii Soomaaliya ay soo weerarto Somaliland, dagaalka Laascaanood waa calaamad walaaceeda leh, iyadoo askartii ay tababareen Eriteriya iyo Maraykanka iyo argagixiso ay la dagaalamayan Somaliland”ayaa lagu yiri qoraal kaso baxay Somaliland

Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay xulufo la noqon doonto waddamada Shiinaha, Iran iyo Ruushka hadii xisbiyada mucaaradku doorashada ku guulaystaan, taasina lagaga hortagi karo kali ah in Reer Galbeedku ay hantaan qalbiyada shacabka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.