XOG : Maamul goboleedyada oo sharuud ku xiray shirka madasha & fashilka doorasho qof & cod.

XOG : Maamul goboleedyada oo sharuud ku xiray shirka madasha & fashilka doorasho qof & cod.

Muqdisho (Raxanreeb )- Shirka madashada wada-tashiga Qaran ayaa wali ka qabsoomin magaalada Muqdisho waxaana la filyay in todobaad ka hor uu ka qabsoomo caasimada sida uu ahaa qorsha Villa Somalia.

Dib u dhaca ku yimid shirka ayaa sabab looga dhigayaa khilaaf ka dhax jira qaar ka mid ah hoggaamiyaasha maamul goboleedyada & Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hogggaamiye Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoggaamiyaasha qaar oo u yimid magaalada Muqdisho shirka ayaa dib ugu laabtay magaalooyinkii ay ka yimideen markii ay u muuqan wayday inuu qabsoomo shirka madasha wadatashiga Qaran ee looga hadli lahaa arrimo dhawr ah.

Madaxda dib ugu laabatay deegaanadooda waxaa ka mid ah Madaxwaynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen iyo madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor kuwaas oo u yimid shirka.

Shirka waxaa la leeyahay waxa uu qarka u saraan yahay inuu qabsoomi waayo marka loo eego sida ay hadda wax u socdaan oo ah isfaham waa u dhaxeeya Madaxwayne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada.

Waxyaabaha ugu badan ee la sheegayo in ay isku hayaan Villa Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa ah in dalka ay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah kuwaas oo ku doodaya in suurtagal aysan ahayn.

Xogo la helayo ayaa sheegaya in maamulada ay doonayaan in laba sanno oo dheeraad ah ay helaan si ay u qabtaan doorasho dadwayne , haddii taas aysan dhicina suurtagal aysan ahayn doorasho qof iyo cod ah.

Hore waxa u diidanaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay wax u wado Maamul goboleedka Puntland waxase muuqanayso in ay kala fogaanayaan Dowladda iyo hoggaamiyaasha maamulada waxa ugu badan ayaa ah arrimaha doorashooyinka.

Wax ka bedelka Dastuurka ayaa keenay shaki badan oo laga qaba sida ay wax u wado Villa Somalida uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.