Nairobi (Raxanreeb )- Guddiga Sare ee IMF oo dhameystiray dib u eegistii ugu horeysay ee hoos timaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya waxana si degdeg ah loo sii dayn doonaa qiyaastii US$ 10 milyan, oo loogu talagalay taageerada miisaaniyadda Soomaaliya.
Barnaamijkan wuxuu taageerayaa istaraatiijiyadda isbeddelka Waddamada Saboolka si loo xoojiyo hay’adaha muhiimka ah ee dhaqaalaha loona hormariyo xasilloonida iyo kobaca dhaqaale.
IMF ayaa sidoo kale soo dhawweysay Dadaallada xooggan ee madaxda ee soo saarista dakhliga iyo hirgelintiisa.
War kasoo baxay IMF ayaa intaasi kusii daray “Tallaabooyinka lagu xoojinayo kobaca wada-jirka ah iyo adkaysi ayaa muhiim ah.
Hay’adda IMF waxa ay sheegtay taageeradan inay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya iyo hiigsiga fog ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha.
Leave a Reply