Doxa (Raxanreeb Online) Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo lagu xoojinayo xiriirka military iyo wadashaqeynta amniga ee u dhaxeeysa labada dal.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iskaashigan ay si rasmi ah u kala saxiixdeen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.
Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

Leave a Reply