Soomaaliya oo guul ka garaysa Q.M – Maxay ka dhigan tahay ?

Soomaaliya oo guul ka garaysa  Q.M – Maxay ka dhigan tahay ?

NewYork (Raxanreeb )- Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay xubin aan joogto ah ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, marka ay dhacdo codbixintii golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, si ay doorashada uga qeybgalaaan, iyada oo lagu wado inuu ka hadlo shirka doorashada kadib.

Qoraal kooban oo Wasiir Axmed Fiqi soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku yiri, “Casho sharaf bogaadin iyo ololihii u danbeeyey ah ayna soo agaasimen dalalka Somalia, Panama, Greece, Denmark & Pakistan ayaan caawa aniga iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalkas ku martigelinay wakilada dalalka UN-ka xubnaha ka ah ee New York.”Dalalkan ayaa bedelaya Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

Soomaaliya ayaa kursigan ku fadhiisan doonto labada sano ee soo socoto oo ka bilaabaneysa 2025, sida uu dhigayo xeerka u yaalla Qaramada Midoobay.

Soomaaliya iyo afartan dal ee kale ayaa sida uu qorshuhu yahay waxay beddali doonaan waddamada kala ah Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

Guushan wayn ee ay gaareyso Soomaaliya ayaa kor usii qaadeyso dowladda federaalka oo sanadihii ugu dambeeyay ku guuleysatay barnaamijyo waa wayn, sida qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika

Leave a Reply

Your email address will not be published.