Madrid (Raxanreeb )- Golaha wasiirada dowladda Spain ayaa cod aqlabiyadda ah ku ansixiyay aqoonsiga rasmiga ah ee dowladd falastiin wasiirada, sida uu ku dhawaaqay afhayeen u hadlay dowladdu.
Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa horay u sheegay in laga billaabo 28-ka bisha ay dowladdiisu si buuxda u aqoonsan doonto falastiin, go’aankaas ayaana maanta oo talaado ah dhaqan-gelay.
Sidoo kale dowladaha Norway iyo Ireland ayaa ayagana la filayaa inay saacadaha soo socda si buuxda ugu dhawaaqaan aqoonsiga dawlad madax bannaan oo ay falastiin leedahay, 3-dan dal ayaana Arbacadii la soo dhaafay isku mar shaaciyay inay tillaabadaas qaadayaan.
Maamulka Israa’iil oo arrintaa ka carooday ayaa u yeertay Danjireyaashii dalalkaa u fadhiyay, balse Falastiin iyo dowladaha taageera ayaa go’aankaas si weyn u soo dhoweeyay.
Dalalka Ireland iyo Norway ayaa iyagana la filayaa inay ku dhawaqaan aqoonsiga Dowladda Falastiin iyadoo dalal kale oo badana laga sugayo go’aan lamid ah kan ay qaateen dalalka yurub.
Leave a Reply