SSC Khaatumo & XUSKA 64- sanno  guuradii ka soo wareegatay xoriyadda.

SSC Khaatumo & XUSKA 64- sanno  guuradii ka soo wareegatay xoriyadda.

Laascanood (Raxanreeb )- Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa si wayn loogu xusay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyadda & israacii koonfurta iyo waqooyi.

Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka gala qeybgalay qaar kamid ah Shacabka caasimadda iyo masuuliyiinta dowladda Munaasabada 1-Luulyo.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay madaxda goleyaasha kala duwan ee dowladda, Golaha Dhaqanka, Siyaasiyiin, Cuqaal, Culimo, Haween, dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxaa sidoo kale waxaa shacabka kala qayb galay iyo wafti heer Qaran ah oo uu Hoggaaminayey Sen. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo booqasho ku soo ku gaaray caasimadda Laascaanood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.