Taliyaha Xabsiga Dhexe oo Sbaqada laga joojiyay

Taliyaha Xabsiga Dhexe oo Sbaqada laga joojiyay

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyey taliyihii Xabsiga dhexe General Daahir Cabdulle Raage ka dib dhacdadii Xabsiga dhexe ee sababtay Dhimashada ku dhawaad 10 ruuux.

Taliyaha ayaa xilkaas si KMG ah ugu magacaabay Sarkaalka lagu magacaabo General Maxamed Xuseen Axmed, dhanka kalena waxaa uu guddi u magacaabay baarista kiiskii Xabsiga dhexe.

Talladaan Shaqa joojinta ah ayaa dad badan u arkaan mid dadka Soomaaliyeed looga sii jeedinaya arrinta ah sida ay hubka ku heleen Xubnihii Al-Shabaab ee ka dhex dagaalamay Gudaha Xabsiga Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.