Villa Somalia oo si cajiib ah uga hadashay fashilka wada- hadalkii Soomaaliya & Itoobiya- Yaa eeda leh ?.

Villa Somalia oo si cajiib ah uga hadashay fashilka wada- hadalkii Soomaaliya & Itoobiya- Yaa eeda leh ?.

Madaxweynaha DowladdabFederaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shir wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ugu soo gabangaboobay magaalada Ankara kulankaas oo ay dowladda Turkigu garwadeenka ka ahayd ayItoobiya codsatay, islamarkaana ay Turkiga ka dalbatay inuu dhexdhaxaadiyo labada dal.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa qiray inay jiraan hadallo hoose oo guddiyo labada dal ka kala socda ku dhex maray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse ay xagga Itoobiya ka suurta-geli waayeen oo aysan daacad ka ahayn in natiijo wax ku ool ihi ay ka soo baxdo.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin in labada shacab ay nabad iyo wax wada qabsi ku noolaadaan, balse madaxda Itoobiya ay aragtiyo qadiimi ah oo cadaawad ah Soomaalida u qabaan, dhowr jeerna ay ka mira-dhalinteeda ku guuldaraysteen.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku soo gaba-geboobay shir dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda labada dowladood, islamarkaana loo ballamay kulan kale oo laba bil ka dhici doona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.