Wada- shaqayn dhaxmarta AS & Xuutiyiinta oo khatar ku ah Soomaaliya.

Wada- shaqayn dhaxmarta AS & Xuutiyiinta oo khatar ku ah Soomaaliya.

Muqdisho (Raxanreeb )- Kooxda Al-shabaab ayaa wax ka beddeshay dhammaan qorshahoodii shaqo ka dib guulihii ay gaareen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed labadii sano ee la soo dhaafay, taas oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin badan.

Kooxda ayaa hadda kooxda Xuutiyiinta kala shaqeynayaan sidii ay awoodooda u ballaarin lahaayeen, sida ay sheegeen saraakiisha sare ee difaaca Mareykanka.

Sarkaalku waxa uu sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay u arkaan wada shaqayntan cusub “in si dhab ah loo qaato” iyagoo isku dayaya inay khatar ku noqdaan maraakiibta Maraykanka iyo Ingiriiska ee ka baxsan Badda Cas.

Guuleed Axmed oo ka mid ah aqoonyahanada Geeska Afrika ee machadka Bariga Dhexe ayaa sheegay in Xuutiyiinta oo gacan ka helaya dowladda Iran ay doonayaan in ay abuuraan jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxa uu sheegay in Xuuthiyiinta ay horay ugu soo direen Al-Shabaab 3 Injineer oo ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya si ay gacan uga geystaan ​​dhismaha Hubka casriga ah iyo Bambaanooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.