Maxaa iska baddelay sannadkan qaadista Imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad

Maxaa iska baddelay sannadkan qaadista Imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wax ka baddel ku samaysay qaabkii ay u qaadaysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare (Fasalka 12) si gaar ah macallimiinta qaadaysa Imtixaanka.

Agaasimaha guud ee waxbarashada & barbaarinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 12aad ee sannadkan, Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa sheegay in sanadihii hore ay wax ka qaadayeen Imtixaanka Macallin bannaanka ka ah Wasaaradda.

Cabdullahi Cabdi, ayaa sheegay sanadkan in aanay jirin Macallin ka baxsan xeendaabka Wasaaradda Waxbarashada oo aan kamid ahayn Shaqaalaha Wasaaradda oo qayb ka ah qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ay qaadatay kaalinteeda ku aaddan in ay diyaariso Macallimiinta u diiwaangashan si ay u qaadaan Imtixaanka sanadkaan.

“Hal arrin oo laga yaabo in ay sanadkaan cusub tahay ayay Wasaaradda Waxbarashada soo kordhisay waana in baryihii hore ay Imtixaanka wax ka qaadi jireen Dad aan Dowladda ama Wasaaradda u shaqayn oo ku jira Bah-wadaagta Waxbarashada oo runtii qayb ka qaatay in ay soo dhisaan nidaamka Waxbarashada balse Sanadkaan waala-gaddiyay oo waxaa diyaar ah oo qaadaya Dad katirsan Wasaaradda” Dr Cabdullaahi Cabdi Cumar.

“Dadka aadaya Gobollada Cid kale oo la socota ma jirto, dhammaantood waa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ha ahaadaan kuwa ka shaqeeya Xafiiska Dhexe, Ha ahaadaan kuwa Jaamacadda Ummadda, Akadeemiyada, Maktabada & Madxafka, taas waxa ay ku tusinaysaa in Waxbarashadu ka shaqeeyaan Dadkii loogu talagalay Mustaqbal”.

Bishan Juun 22-keeda oo ku beegsan Sabtida waxaa billaabanaya Imtixaanka Shahaadiga ah, ee Dugsiga Sare (Fasalka 12aad), Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ardayda ku wargelisay in ay u diyaargaroobaan Imtixaankaas ay ku qaadanayaan Shahaadada haddii ay ku baasaan Imtixaankii.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa bixin weeyday lacagihii sannadihii hore ee macallimiinta ay ku ilaalinayeen Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, macallimiintaas ayaa hadda Wasaaradda cabasho ka ah.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in laga rabo lacagtaas dowladda Federaalka Soomaaliya, oo hadda ay deeyn ku tahay Wasaaradda dibna ay ka bixineeyso.