Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhex qarxay labo Maleeshiyood

Wararkii ugu dambeeyay dagaal  ka dhex qarxay labo Maleeshiyood

Dhuusamareeb (Raxanreeb) Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Beeleed cusub oo maanta ka qarxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug kasoo oo udhexeeyo labo Beelood oo dega halkaasi.

Sidoo kale, dad goobjoogayaal aha ayaa inoo xaqiijiyay in haatan uu dagaalka kasocdo deegaanka Xananbuure oo ah halka dagaalka xooggiisa uu kasoo bilowday dagaalka udhexeeyo labadan Maleeshiyo beelood.

Dhanka kale, waxaa lagu soo waramayaa in dagaalk leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana durba lasoo sheegaya in ey jiraan khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac kadhashay dagaalkan.

Dagaalkan ayaa markii hore kadhashay muran dhuleed oo soo kala dhexgalay labadan Maleeshiyood oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo ah halka uu dagaalka xooggiisa uu kasoo bilowday ayaa lagu soo waramaaya in haatan xaalada deegaanka ey tahay mid aad u kacsan sidoo kale waxaa jira dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ey wadaan.

Dadka deegaanka oo qaarkood Warbaahinta lahadlaya ayaa sheegay in dagaalka uu sameyn weyn kuyeeshay, sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in haatan labada dhinac ey helayaan gurmad ciidan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.