Maxay tahay Awoodda Xamaas ee ay Israa’iil uga cabsanayso duullaanka dhulka ee Qasa?

Maxay tahay Awoodda Xamaas ee ay Israa’iil uga cabsanayso duullaanka dhulka ee Qasa?

Gaza (Raxanreeb) — Weerarki lama filaanka ahaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil, maamulka dalkaasi wuxu ballan qaaday in kooxda uu ka sifayn doono guud ahaan dhulkaas. Ama uu xididdada ugu siibi doono dhamaan dhulka Qasa.

Falanqeeyasha arimahan ayaa cabsi ka qaba in Israa’iil aysan si cad u fahmin waxa ka dhici doona Marinka Qasa ka dib marka la soo afjaro howlgalka dhulka ee ciidamada IDF, mustaqbalka deegaanka oo ay ku nool yihiin ilaa 2.2 milyan oo falastiiniyiin ah, ayaa weli shaki ku jiraa.

Hawlgalka Xamaas ayaa ahaa weerarkii ugu xumaa ee Israel lagu qaado muddo 50 sano ah. Ugu yaraan 1,400 oo qof ayaa la dilay, in ka badan laba boqol oo kalena waa la haystaal, tobaneeyo kalena weli waa la la’yahay.

“Dadka Israa’iil waa mideysan yihiin, maantana hoggaankooda sidoo kale waa mideysan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.