Baydhabo ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saakay markale dib uga qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac kala duwan, waxaana uu yahay mid culus.
Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in isbitaallada magaalada qaar la geeyay ilaa 10 qof oo rayid ah, kuwaas oo dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xabado wiifto ah ay guryaha ugu tageen shacabka oo ay carruur iyo haween wax yeello ka soo gaartay.
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo meleeshiyo ah.
Dagaalkan ayaa shalay ka bilowday arrimo salka ku haya dhul, balse markii dambe waxay u xuub siibatay khilaaf siyaasadeed.
Sidoo kale Isgaarsiinta ayaa ka go’na magaalada tan iyo gelinkii dambe ee shalay.
Labada ciidan ee iska soo hor jeeda ayaa lagu soo warramaya inayisu adeegsanayaan hub culus.
Shalay, wasiirka war-faafinta maamulka Koonfur galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal oo hadlay ayaa sheegay in xaalado kooban oo amni darro ay ka dhaceen magaalada, isagoo xusay in kooxo uu ku tilmaamay „mooryaan” ay isku dayeen in ay khal-khal galiyaan amniga magaalada taasoo sida uu hadalka u yiri ay ka hortageen ciidamada maamulkaas.
Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in kooxahaasi ay xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ka sameyeen falal amniga liddi ku ah isla markaana ciidamadu ka qaaden tallaabooyin guulastay oo lagu soo afjaray.
Si kasataba ha ahaatee, wararka aan ka helayno magaalada ayaa sheegaya in dagaalka iyo rabshadaha socday tan iyo shalay ay saameyn ku yeesheen isu socodkii dadweynaha iyo gaadiidka.

Leave a Reply