Wararkii ugu dambeeyay ee diyaaradda ku burburtay Ukraine oo ay wasiiro ku dhinteen

Kyiv (Raxanreeb) — Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysaa diyaaradda goordhaweyd ku burburtya meel u dhaw caasimadda Ukraine.

Lix iyo toban ayaa ku dhimatay oo ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Ukraine, ku xigeenkiisa iyo xogyaha guud ee dowladda, sida ay sheegayaan saraakiisha.

Diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhaw iskuul carruurta yar yar wax lagu baro oo ku yaalla dhinaca bari ee caasimadda Kyiv.

Labo carruur ah ayaa ku dhintay shilka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka oo lagu magacaabo Denys Monastyrskiy, waxaa la socday 8 qof oo kale xilliggii uu shilka dhacayay.

Diyaaradda burburtay ayaa la arkayay iyadoo holceysa.

Dab ayaa ka kacay meel u dhaw iskuulka carruurta yar yar wax lagu baro, waxaana laga daadgureeyay carruurtii iyo shaqaalihii iskuulka.

Ceeryaamo ayaa jirtay markii ay diyaaradda dhaceysay, warar soo baxaya waxay sheegayaan in diyaaradda ay markii hore ku dhacday iskuulka ka hor inta aysan ku ag burburin dhismo la daggan yahay oo ku yaalla Ukraine.

Leave a Reply

Your email address will not be published.