WARBIXIN | Caqabad ka taagan howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab

WARBIXIN | Caqabad ka taagan howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa soo baxaya rejo xumo la xiriira sii socoshada howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee dowladda ay ku dhawaaqday.

Rejo xumadan ayaa timid ka dibb markii uu soo baxay , khilaafka ka dhashay xil ka qaadistii dhawaan lagu sameey Guddoomiyihii hore Cali Jayte Cusmaan.

Ciidanka kooxaha macwiislayda ee dagaalama gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in meelaha qaar ay ka soo baxeen isla markana gudaha u soo galeen gudaha Beledwayne.

Khilaafka ka dhashay xil ka qaadistan ayaa sabab u noqotay sida la sheegayo in ciidan taabacsanaa Cali Jayte ay soo baneeyaan goobaha qaar ee gobolka Hiiraan , taas oo abuurtay shaki badan oo ku saabaan howlgalka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan ku si ku celcelis ah u sheegaysay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgalka lagu doonayo in Al- Shabaab lagaga saaro deegaano badan oo Hiiraan ah.

Saraakiil hore ayaa sheegaysa in suurtagal ay tahay in khilaafka jira saameyn uu ku yeeshay dadaalada socday ee bilowga ay u ahaayeen kooxaha deegaanka ee Macwiislayda.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda Soomaaliya ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.