Baraawe (Raxanreeb ) maalmihii la soo dhaafay waxaa socday dadaalo lagu doonayay in gabi ahaanba meesha laga saaro waxa keenay rabshadaha ka dhacay magaalada.
Magaalada Baraawe waxaa sidoo kale gaaray , wafuud kala duwan , iyadoo la ogyahay in dhawaan Guddoomiyaha Golaha shacabka uu magacabay Guddi soo qiimeeya xaalada Baraawe.
Maanta oo Jimcaha Wafdi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xassan Cali Nuur (Shuute), uuna qeyb ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa ku sugan degmada Baraawe.
Mas’uuliyiintan ayaa u tegay halkaas inay qeyb ka noqdaan dhameystirka xalka rabshadihii dhawaan ka Dhacay Magaalada ee u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga Soomaaliya.
Xiisad kulul ayaa ka dhalatay dagaalo dhowaan ku dhexmaray degmada Baraawe ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta K/Galbeed taasoo markii dambe yeelatay weji qabiil.
Leave a Reply