Muqdisho (Raxanreeb ) Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howlgal ay wadaan ciidanka amniga ee Dowladda Soomaaliya kuwaas oo maalmahan noqday kuwo joogta ah .
Hase ahaatee waxaa muuqanaya in askarta taagan goobaha ay ka socdaan howlgalada si gaar ah ay u beegsanayaan haweenka xijaaban iyo raga xiran cimaadaha iyo qamiisyada.
Dumar badan oo xijaaban ayaa ciidanka Dowladda Soomaaliya si qasab ay kaga fureen indha shareerka halka rag badan laga dhigay cimaadaha iyo qamiisyada .
Arintan waxay keentay walaac laga qabo hab dhaqanka askarta Dowladda ee howlgaladaas ka wada magaalada Muqdisho waxaana soo baxay caro badan oo laga muujinayo.
Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa baraha bulshada iskula wadaagay sida arintan a u tahay wax keeni karta dhaawac xaga Dowladnimada ah haddii amni la sugayo ay tahay in loo maro sida saxda ah .
Meelo badan oo magaalada Muqdisho ah ayaa arintan si aad ah maalmahan ay uga socotay , taa soo keentay in xilligan dadka cabsi ay ka muujiyaan hab dhaqankan cusub ee dumarka loogu xag gudbayo.
Falanqeyayaasha ayaa sheegaya in haddii ay sii socoto talaabadan ay keeni karto in ay kala fogaadaan ciidanka iyo dadka shacab ah maadama si aan habanoonayn hadda dowladda u qaadayso talaabooyin aan la mahdin.
Leave a Reply