HOOBIYAAL  lagu garaacay xaafado ka mid ah Muqdisho

HOOBIYAAL  lagu garaacay xaafado ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho meelo badan oo ka mid ah waxaa lagu garaacay dhawr hoobiyaal kuwaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inta badan soo gaaray dadka shacabka ah.

Degmooyin badan oo caasimada ah ayaa lagu garaacay hoobiyaashan , mana jirto cid sheegatay masuuliyada weeraradan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashan ayaa si gaar ah looga dareemay aagga xarunta madaxtooyada, gaar ahaan dhanka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Sida wararku ay sheegayaan hoobiyahaas waxaaku geeriyootay qof  dumar ah markii uu qolkeeda ku habsaday madfac lasoo tuuray .

Lama oga madaafiicda kale ee lagu tuuray aaga madaxtooyada in ay gudaha ku dhaceen iyo in kale, waxa ayna madaafiicdan qalqal xoogan iyo cabsi galiyeen dadka degan aaga madaxtooyada.

Ciidamada ammaanka ayaa haatan bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib weerarkaas oo uu bartilmaameedkiisu ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dhawr  jeer sidan oo kale waxa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar hoobiyaal ah oo lala eegtay xarunta Madaxtooyada oo ku taala degmada Warta- Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.