WARCUSUB : Al- Shabaab oo weerar ka fulisay Mandheera KENYA

WARCUSUB : Al- Shabaab oo weerar ka fulisay Mandheera KENYA

Raxanreeb (Mandheera ) Wararka aan ka helayno magaalada Madheera ee Waqooyi bari Kenya Ologna la  ah Degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in halkaas  uu ka dhacay weerar khasaaro badan dhaliyay.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in weerarkan magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya ay fuliyeen kooxda Al- Shabaab .

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo halkaas ku sugnaa, waxaana xigay dagaal toos ah.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Kenya  oo ku sugan Mandheera ayaa sheegaya in weerarka uu dhacay xilli ciidanka amniga ay ku  jireen howlgal ay ku sugayaan amniga xaafadaha Mandheera.

Ma uusan sheegin sheegin sarkaalkan tirada dhimasho iyo dhaawac ee gaaray ciidanka Kenya ee kooxda Al- Shabaab weerarka ay ku qaaday .

Ciidanka Kenya ayaa sheegay in tiro dad ah oo tuhmanayaal ah u soo qabteen , weerarka kooxda Al- Shabaab ay ka fuliyeen gudaha magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.

Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe kordhisay weeraradeeda dalka Kenya, ayada oo  uga jawaabeyso dhaq-dhaqaaqa ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii  Dowladda  Kenya ciidamo badan ay gaysay xadka ay ay wadaagaan  Soomaaliya iyo Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.