WARCUSUB : Askar ka tirsan Dowladda  lagu dilay duleedka Muqdisho

WARCUSUB : Askar ka tirsan Dowladda  lagu dilay duleedka Muqdisho

Ceelasha Biyaha (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo  lagu dilay duleedka magaalad Muqdisho halkaas oo howlgalo ay ka soconayaan.

Dilka askartan ayaa ka dabeysay ka dib markii qarax lagula eegtay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen askar kale oo dowladda ah.

Inta la xaqiijiyay seddax askari ayaa ku dhintay qaraxaas afar  kalena ay ku dhaawacmeen sida ay  ku warameen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan halkaas.

Qaraxa ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaas oo howlgal amniga lagu sugayo ka fuliyay deegaanka Ceelasha Biyaha waxaana lagu soo qab qabtay tiro dhallinyara ah.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay in qaraxaas ay ku dishay saddex askari, ayna ku dhaawacday 4 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.